Labo weerar oo ismiidaamin ah oo isxigxiga ayaa ka dhacay waddo mashquul badan oo ku taala caasimadda Baghdad subaxnimadii maanta.
Warbaahinta qaranka ee Ciraaq ayaa sheegtay in uu jiro dhimasho iyo dhaawac balse ma aysan sheegin tirada.
Janaral Hazem al-Azzawi, oo ah madaxa hawlgallada ee caasimadda Baghdad ayaa warbaahinta Ciraaq u cadeeyay in labo weerar ay ka dhaceen suuqa mashquulka badan ee u dhaw goobta Tayaran Square.
Booliska ayaa sheegay in weerarka ay ilaa iyo hadda ku dhinteen 7 qof kuna dhaawacmeen 25 kale.
Balse booliska ayaa intaasi ku daray in tirada dhimashadu ay kor u kici karto maadaama ay jiraan dhaawacyo halis ah.
Weerar kan oo kale oo ismiidaamin ah ayaa ku yaraa caasimadda sannadihii ugu danbeeyay.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka balse waxaa mararka qaar weerarada noocan ah ka geysta dalkaasi kooxda IS.
Laamaha amaanka ee dalkaasi ayaa sheegay goobta weeraka lagu qaaday ay aheyd meel lagu iibiyo dharka celiska
2017-kii ayay aheyd markii ay dowladda Iraq ay ku dhawaaqday inay ka guuleysatay dagaallamayaasha ISIS.
2019-kii ayay ahayd markii weerarkan oo kale uu ka dhacay caasimadda Baghdaad kaas oo ay ku dhinteen dad badan.