Dowladda oo sheegtay in la yareynayo qarashaadka dugsiyada sare

0
454

Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa shaacisay in culeyska dhaqaale ee ka dhashay cudurka COVID19 awgii waalidiinta laga yareyn doono qarashaadka kaga baxo waxbaridda carruurtooda.
Dowladda ayaa sheegtay in sanad kasta ardayda dhigta dugsiyada sare ay ka bixin doonto lacag dhan 22,244 oo shilin.
Xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Juan ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in dhaqaalahan loo bixin doono qayb qayb ah boqolkiiba 25.
Hasa ahaate waalidiinta ay carruutoodu dhigtaan dugsiyada leh qaybaha jiifka ayaa laga doonaya in ay bixiyaan 24,935 oo ah qarashaadka agabka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in labada bisha sideedaad ee sanadkan ay dugsiyada sare ku biiraan ardaydii dhameeyay dugsiyada hoose dhexe.