DHAGEYSO:Guddoomiyaha baarlamaanka oo dhaliilay siyaasiyiinta ka soo horjeedo xil looga dhiibay gobolka bartamaha

0
486

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Justin Muturi ayaa gaashaanka u daruuray siyaasiyiinta hadal hayo tallaabadii dhawaan loogu magacaabay afhayeenka gobolka bartamaha wadanka.
Waxaa uu dhaliilay barasaabyada ismaamullada gobolkaasi ee kala ah Mwangi Wa Iria (Murang’a), Anne Waiguru (Kirinyaga), Mutahi Kahiga (Nyeri), Francis Kimemia (Nyandarua) iyo wasiirka beeraha Peter Munya oo waxba kama jiraan ku sheegay in Muturi uu yahay cidda keliya ee siyaasad ahaan u hadli karto dadweynaha deegaanadaas.
Mr .Muturi ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Meru sheegay in madaxdan aynan xushmad u muujin waxgaradkii caleemo saaray, dhaqanka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dastuuriga ah.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa carrabka ku dhuftay inuu diiradda saari doono sidii uu gobolkaasi ugu soo celin lahaa nidaamka kala dambeynta ee siyaasadda.