DHAGEYSO:Maxkamad joojisay in la aaso nin geeriyooday

0
547

Maxkamad ayaa joojisay aaska nin geeriyooday ka dib markii dhaxlkii la isku fahmi waayay.
Dhacdadaan ayaa laga soo tabiyay tuulada Njunu ee ka tirsan deegaanka Gatanga ee ismaamulka Murang’a.
Ilmo qaangaar oo uu dhalay ninka geeriyooday iyo haweeney u qabay ayaa isku fahmi waayay habkii ay u qaybsan lahayeen hantida uu aabahood ka tagay islamarkaana ay carruurta maxkamadda ka codsadeen in ay hor istaagta aaska aabahood.
Gabar uu dhalay aabaha geeriyooday oo lagu magacaabo Mary Nyambura oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in ay dalbadeen in la soo xiro eedadood oo uu aabahood qabay ama ay ka madax banaanaato dhaxalka aabaheyd.
Waxaa ay xustay in hantida aabaheed uu ka dhintay ay dhulal badan kuwaas oo ku kala yaala ismaamulka Nyandarua iyo magaalada Mwingi.
Waxaa ay inta ku dartay in eedadeed oo ah xaaski labaad ee aabaheyd ay dooneysay inay dhaxasho wax kasta oo aabahood ka dhintay.
Waxaa ay dhanka kale sheegtay inaysan garaneen sababta u geeriyooday aabahood.
Mar ay arrimahan ka hadleen qoyskan ayaa waxaa hadaladoodi ka mid ahaa