2 burcad oo lagu dilay Nairobi

0
1736

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in saraakiisha ammaanka ay labo qof oo burcad hubeysan ah ku dileen wadada Muhoho ee deegaanka Lang’ata ee magaalada Nairobi, ka dib markii ay taleefoonkeeda gacanta ka dhaceen haweenay.
Waxaa sidioo kale dhaceen qalab kalo oo qaali ah.
Haweenayda ayaa caawimaad deg deg ah dalbatay markiiba iyadoona ay arkeen ciidamo rondo samaynayay taas oo fududaysay in la dilo burcadda.
Burcadda ayaa xilligii ay dhaca gaysanayeen ku hubaysnaa bistoolad.
Haweenayda la dhacay ayaa ku sugneyd wadada lagu magacaabo Muhoho, ee Lang’ata.
Tuugada ayaa markii ay arkeen inay si kadis ah kula kulmeen booliska waxaa ay saraakiisha ku soo rideen rasaas iyagoona u jihaystay dhanka galbeedka Nairobi.
Ciidamada ayaa gacanta kaga dhigay burcadda bistoolad iyo 5 wareeg oo rasaas ah.
Mid ka mid ah burcadda ayaa rasaas ku soo riday sarkaal booliis ah oo ceyrsanayaa ugu dambeyna sarkaalka ayaa ku guulaystay inuu dhulka dhiga burcadka.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa caasimadda dalka ee Nairobi ku soo badanayay burcadda xeeladaha kala duwan dadka ugu dhacaa iyadoona laamaha ammaanka ay ku guulaystaan badankooda inay nolol ku qabtaan ama geeri.