24-kii saacadood ee la soo dhaafay waxaa gudaha dalkani Kenya laga diiwaan geliyay 796 xaaladood oo cusub oo ah Covid-19.
Xaaladahan ayaa la helay ka dib markii la baaray dheecaan dhan 7392.
Tirada kiisaska guud ee dalka laga xaqiijiyay ayaa hadda ah 178,078.
Waxaa sido kale xanuunka ka bogsaday 328 bukaan waxayna tirada guud ee bogsashada ka dhigaysaa 122,346.
Tirada dhimashada ayaa gaartay 3,437 ka dib markii 3 qof ay u geeriyoodeen cudurka 24-kii saac ee la soo dhaafay.