Barasaabka Kirinyaga oo ku baaqday in cidna aan lagu mucaaradin BBI

0
515

Guddoomiyaha ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka Anne Waiguru ayaa ku baaqday in la soo dhaweeyo oo la dhageysto aragtida kala duwan ee ay shacabka iyo siyaasiyiinta ka qabaan geeddisocodka sharci beddelka ee BBI.
Waxay sheegtay in loo baahan yahay in gobolka bartamaha dalka laga sameeyo olole ballaaran oo ku saabsan BBI iyadoo cid kasta laga qayb gelinaya.
Waiguru ayaa hadalkan ka jeedisay kulan ay yeesheen mas’uuliyiinta gobolkaas waxayna carrabka ku adkeysay inay lagama maarmaan tahay in hoggaamiyaasha oo dhan ay arrinkan iska kaashadaan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday in guddi ka kooban 5 xubnood loo saaray u ololeynta BBI.