Kenyaanka oo lagu wargeliyay in ay isku diyaariyaan roobab iyo dabeylo xooggan

0
764


Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynayo in maalmaha nagu soo aaddan ay roobab culus ka da’aan qaybo ka mid ah wadanka halka deegaannada qaar laga cabsi qabo in ay dabeylo xooggan saameeyaan.
Waaxda KMD ayaa sheegtay in roobabka ay di’i karaan sidoo kalena ay dabeylo jiri doonaan berri iyo maalinka Sabtida.
Roobabka la filayo inay ka da’aan qaybo ka mid ah galbeedka , bartamaha, koonfurta bari iyo waqooyi bari Kenya ayaa heerkoodu lagu qiyaasay in ka badan 20 miliimitir sida laga soo xigtay agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee dalka Stella Aura.
Ismaamullada la rajeynayo in ay berri ilaa iyo Sabtida roobab culus ka da’aan ayaa kala ah Migori, Homa Bay, Siaya, Kisumu, Kisii, Kericho, Bomet, Narok, Kiambu, Nyandarua, Nyeri, Murang’a Embu.Meru, Kirinyaga, Tharaka Nithi, Kitui, Machakos, Makueni, Tana River, Garissa, Wajeer, Isiolo, Samburu, Marsabit iyo Turkana.
Waaxda KMD ayaa shacabka ku nool ismaamulladan ku boorrisay inay feejignaadaan maadaama ay suuragal tahay in daadad ay ka dhashaan roobabka.