In ka badan 294 bilyan oo lagu xoojinayo amniga wadanka

0
509

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Ukur Yatani ayaa shaaciyay in lacag dhan 294.5 bilyan oo shilin loogu talagalay sare u qaadidda amniga ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Dhaqaalahan ayaa loo qaybinaya booliska , militariga iyo waaxda sirdoonka.
Ukur Yattani ayaa xusay in waaxda difaaca ay heli doonto 119.8 bilyan , sirdoonka (42.5 bilyan) iyo booliska sidoo kale waaxda ciidamada asluubta oo la siinaya 110.6 bilyan oo shilin.
Hal bilyan oo shilin waxaa loo qoondeeyay casriyeynta barnaamijyada booliska.
4.8 bilyan waxaa loogu talagalay caymiska caafimaadka ee saraakiisha booliska iyo kuwa asluubta.
Sidoo kale hal bilyan oo dheeraad ah ayaa loo qorsheeyay hannaanka maareynta macluumaadka ee (NIIMS) oo ay dowladda ku daahfurtay adeegga Huduma Namba.
Hannaanka isgaarsiinta qaran iyo kormeerka waxaa loo qorsheeyay 1.5 bilyan halka 335 milyan lagu qalabeyn doono sheybaarka baaritaanada ee ku yaalla xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista.
Arrimaha amniga ee dalka ayaa sanadkan loo qoondeeyay 127 bilyan oo dheeraad ah marka la eego sanadkii hore oo dhaqaalahan uu ahaa 168 bilyan.
Wasiirka maaliyadda ayaa golaha qaran ee xeer dejinta u sheegay in amniga oo la sugo uu abuurayo jawi deggan oo lagu ganacsan karo si uu u kobco dhaqaalaha.
Dhanka kale dowladaha ismaamullada ayaa loo qoondeeyay 370 bilyan oo shilin .
Sidoo kale waxay dowladda dhexe ka helayaan 7.5 bilyan oo shuruudo lagu bixinaya.