Madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa maanta sheegtay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu ku khasban yahay inuu magacaabo 6 garsoorayaal oo uu ka tagay .
Waxay carrabka ku dhufatay in dastuurka dalka uu qeexaya in marka hoggaamiyaha wadanka liis garsoorayaal ah loo gudbiyo aynan u furnayn waddo kale balse laga doonayo inuu magacaabo dhammaan xaakinnada.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha uu magacaabay keliya 34 in kastoo 41 oo mid ka mid ah uu geeriyooday magacyadoodu lala wadaagay.
Mrs. Koome ayaa xustay in aynan marnaba ka gaabin doonin u doodidda madax bannaanida waaxda cadaaladda.
Waxay intaasi ku dartay in madax bannaanidan ay halis ku yihiin shakhsiyaad aan ku koobnayn saraakiisha dowladda .
Waxay si cad u sheegtay in marnaba aynan aqbali doonin in xaakiinada lagu khasbo in ay soo saaraan go’aan ay shakhsiyaad gaar ah dani ugu jirto.
Madaxa cadaaladda ayaa dhanka kale baarlamaanka ka codsatay inuu waaxda garsoorka u qoondeeyo miisaaniyad ku filan oo shacabka loogu adeegi karo.
Haweeneydan ayaa nasiib darro ku tilmaantay in weli ay jiraan Kenyaan masaafo dheer u galo in ay tagaan maxkamadda si ay cadaalad u helaan.