DHAGEYSO:Xisbiga Wadani oo ka hadlay rajadoda ku aadan inay maayarka magaalada Hargaysa ku guulaystaan

0
470

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee Wadani ayaa Faahfaahin ka Bixiyay dadaalka uu Xisbigu ugu jiro inuu la wareego Hogaanka Magaalada Caasimada Soomaaliland ee Wadani.
Barkhad Jaamac Batuun afhayeenka guud ee Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee Wadani oo warbaahinta Maanta kula hadlay Magaalada hargaysa ayaa Wuxuu Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay inuu ka shaqeeyo Tixgalinta rabitaanka shacabka Soomaaliland ee horayna Golaha Deegaanka horay ugu Doortay.

Barkhad Jaamac Batuun afhayeenka Xisbiga mucaaradka Wadani ayaa dhanka kale Wuxuu ka hadlay hankiisa iyo qorshihiisa ku aadan inuu isku soo sharaxo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliland wuxuuna sheegay in Masuul kale oo isla Xisbiga Wadani ka tirsan ay u doonayaan Gudoonka Golaha Wakiilada Soomaaliland.