Ruto oo taageeray go’aankii ay maxkamadda ku burisay BBI

0
705

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa soo dhaweeyay go’aankii 13-kii bishii hore 5 garsoorayaal ah ay waxba kama jiraan kaga soo qaadeen qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Xaakinada ayaa sheegay in geeddisocodkan aan lagu soo dhisin qaab waafaqsan xeerarka wadanka.
William Ruto ayaa xusay in ay lagama maarmaan tahay in la wada taageero go’aanka ka soo baxay maxkamadda.
Ku xigeenka madaxweynaha ayaa sheegay in aan xeerarka wadanka la beddeli karin iyadoo loo daneynaya keliya shakhsiyaad dhowr qof ah.