Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in markii ugu horaysay kiisaska Covid aan la diiwaan galin

0
457

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Fedraalka Soomaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dhammaan Degmooyinka Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka laga waayay kiisaska cudurka Karoonaha 24 saac ee lasoo dhaafay.
Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegaysay maalmihii lasoo dhaafay in Baaritanada iyo Warbixinta laga Soo saarayba ay muujinayeen hoos u dhaca ku yimid kiisaska cudurka Karoonaha ee Caasimadda Muqdisho marka laga reebo qaar ka mid ah maamulada goboleedyada oo Maalmihii ina dhaafay laga Diiwaan Galiyay kiisas aan badneyn oo Cudurka Covid 19 la Xiriira.
Warka kasoo baxay wasaaradda Soomaaliya ayaan waxaa lagu Sheegay in Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray Cudurka COVID-19 guud ahaan wadanka Soomaaliya ay tahay 770 qof oo deegaano kala duwan ku nool aysana Jirin hal qof oo laga Helay Cudurka.
Dadka Cudurka ka Bogsaday ee isbitaalada laga Saaray ayay wasaaradu sheegtay inay yihiin 21 qof Tirada Guud ee Cudurku Saameeyay Gudaha dalka Soomaaliya waa 14,779 qof guud ahaan Bogsashaduna waa 7,016 qof halka Dhimashada Guud ee Cudurka Covid 19 ka dhalatay gudaha dalka Soomaaliya ay hada Marayso 774 qof sida ku cad Warbixintii ugu danbaysay ee Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowlada Fedraalka Soomaaliya Soo saartay lagu sheegay.