Dowladaha Japan iyo Australia ayaa maanta oo Arbaco ah walaac ka muujiyay xadgudubyo dowladda Shiinaha lagu eedeyay in ay u gaysanayso bulshada muslimiinta iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay.
Waxay sheegeen in gobolka galbeed ee Xinjiang ay ka socdaan falal ka dhan ah xuquuqul aadanaha.
Hasa ahaate xukuumadda Beijing ayaa eedeymaha iska fogeysay waxayna ku tilmaantay kuwo sumcad dhaawac ah.