Israa’iil oo duqeymo ka fulisay Syria

0
486

Wakaaladda wararka ee dalka Syria ee SANA ayaa ku warramaysa in galinkii dambe ee shalay wadankaasi ay ka dhaceen duqeymo ay gaysatay Israa’iil.
Waxaa weerarrada dhanka cirka ah laga soo tabiyay magaalada Dimishiq.
Koox dabagal ku sameysa dagaallaeda ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 11 qof la dilay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in la xoojiyay sugidda amniga hawada Syria si looga fal celiyo waxaa loogu yeeray daandaansiga Israa’iil.
Hasa ahaate militariga Israa’iil ayaan weli arrinkan faahfaahin ka bixin.
Dagaallada Syria ka jiray laga soo bilaabo sanadkii 2011-kii waxaa ku dhintay ugu yaraan 500,000 oo ruux halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.