Ciidamada booliska ee deegaanka galbeedka Kuria ee ismaamulka Migori ayaa gacanta ku dhigay 10 qof oo la qabtay xilli ay xalay ku sugnaayeen goob lagu caweeyo oo ku taalla Isbaaniya.
Waxaa lagu eedeyay in aynan u hoggaansamin xeerarka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19.
Taliyaha booliska ee galbeedka Kuria ,Cleti Kimaiyo ayaa xusay in shakhsiyaadkan aynan ilaalin bandowga habeenkii dalka ka jiro inta u dhexeysa 10-ka habeenimo ilaa 4-ta aroornimo.
Waxaa uu intaasi ku daray in mulkiilaha goobta oo lagu magacaabo Johness Mwita uu baxsaday sidaas awgeedna ay saraakiisha ammaanka raadinayaan.
Mr.Kimaiyo ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgallada lagu xaqiijinayo in shacabka ay si buuxda ugu hoggaansamaan amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee ka dhanka ah cudurka COVID-19 .
Taliyaha booliska ayaa intaasi ku daray in la dagaalanka cudurka ay tahay mas’uuliyad shakhsiyadeed isaga oo dadweynaha ka codsaday in ay dowladda garab ku siiyaan dadaallada ay kula tacalayso caabuqa corona.
Ismaamulka Migori waxaa heerka saddexaad ee cudurka ugu dhintay 26 qof.