Madaxweyne kuxigeenka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa ka qayb galey daah-furka isbitaal laga hirgaliyay magaalada Dhuusamareeb kaasoo si Casri ah loo dhisay islamarkaana dadka deegaanku ay kaga Maarmayaan baahiyaha dhanka Caafimaafka ah ee deegaanka ka jira.
Isbitaalkaan oo lagu Magacaaba Central Hospitaal ayaa Masuuliyiinta Maamulka Galmudug waxay sheegeen inay ka Howlgalayaan Dhaqaatiir Soomaali iyo Ajanabi isugu jiro kuwaasoo looga Talagalay inay Daboolaan Baahida Caafimaafka ee Jirta.
Dhanka kale wasiirka caafimaadka Maamulka Galmudug ayaa isna xariga ka jaray mashruuc Caafimaad oo lacag la’aan ah kaasoo laga hirgaliyay deegaanka xaar-xaar ee gobolka Mudug.
Deegaanja Xaar-Xaar ayaa waxaa ku Nool Boqolaal Qoysas Barakacayaal ah iyo dadkale oo danyar ah waxana Mashruucaan Caafimaadka Hirgaliyay Dowlada dhexe ee Soomaaliya,Maamulka Galmudug iyo Hay’ada MSF Soomaaliya.
Ku xigeenka duqa Magaalada Gaalkacyo iyo Wasiirka Caafimaadka Maamulka Galmudug ayaa waxay sheegeen in Hirgalinta Mashruucaan ay Kaalin weyn ka qaadanayso wax badan u tarayso dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.