Ciidamada booliska ayaa lagu soo warramayaa in ay gacanta ku dhigeen haweenay lagu eedeyay in ay ka dambeysay xeelad dhawaan qaar ka mid ah Kenyaanka lacago looga dhacay.
Waa 50 sano jir lagu magacaabo Stacey Marie Parker Blake.
Waxaa la qabtay daqiiqado ka dib markii ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Haweeneydan ayaa ka soo laabatay Maraykanka waxayna ciidamada ammaanka aaminsan yihiin in ay Kenyaanka malaayiin shilin kaga dhacday bartii online-ka ee Amazon Web Worker.
Home Wararka Kenya Haweeney lala xiriirinayo qorsho dhawaan shacabka lacago looga dhacay oo la xiray