Chelsea ayaa markeedii labaad ku guuleystay koobka Champions League ka dib markii ay si dirqi ah kaga adkaatay kooxda Manchester City, kulankii final-ka ahaa ay ku wada ciyaareen garoonka Estadio do Dragao magaalada Porto ee dalka Portugal.
Qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.
Daqiiqadii 43-aad kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Kai Havertz, ka dib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Mason Mount.
Qaybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Blasé ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Manchester City, kulankii final-ka ahaa ay labada kooxood ku wada ciyaareen garoonka Estadio do Dragao magaalada Porto ee dalka Portugal, taasoo ka dhigtay in Blues ay ku guuleystay koobka Champions League markii labaad taariikhda.