Madaxtooyada dalka oo faahfaahisay socdaal uu madaxweynaha ku tagaya Kisumu

0
559

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo marwada koowaad ee qaranka Margaret Kenyatta ayaa tagi doona ismaamulka Kisumu berri.
Madaxweynaha iyo marwadiisa ayaa halkaas uga bilaabanaysa booqasho saddax cisho ah oo ay ku joogayaan gobolka Nyanza.
Mr Kenyatta ayaa waxaa safarka ku wehlin doona dhowr hoggaamiye qaran iyo kuwa maamul goboleed oo ay ka mid yihiin ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga, baarsaabka Kisumu Prof Anyang ‘Nyong’o iyo madax kale.
Madaxweynaha dalka iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayuu qorshuhu yahay in ay si wadajir ah xariga uga jaraan mashaariic horumarineed oo dhowr ah.
Safarka madaxweyne Uhuru uu ku tagayo Kisumu iyo mashaaricda hormarineed oo uu daah furi doono halkaasi waxaa lala wadaagi doona warbaahinnada dalka ka howlgala .
Waxaa la filayaa in labada mas’uul ay ka soo hadal qaadaan arrimaha sharci beddelka ee BBI oo ay laba toddobaad ka hor maxkamadda sare laashay.
Sidoo kale munaasabadda maalinka Madaraka Day ee sanadkan ayaa lagu qaban doonaa Kisumu.