Eedeysane inay daroogo siiso dadka kaddibna dhac u geysato oo lagu qabtay Kiambu

0
590

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay haweeney lagu tuhmayo inay dadka siin jirtay daroogo islamarkaana ay dhac ka geysan jirtay ismaamulka Kiambu iyo deegannada u dhow.
Waxaa magaceydu lagu sheegay , Irene Njoki oo loo yaqaano Michelle ayaa sidoo kale lala qabtay shakhsi ay wada socdeen oo lagu magacaabo Peter Irungu Wambugu ka dib muddo lagu raadjoogay eedeysanayaashan.
Tuhmanayaasha ayaa la sheegay inay ka dhex shaqeeynayeen gooba lagu caaweeyo ee ku yaalla ismaamulka Kiambu.
Waxaa la tilmaamay inay caan ku ahaayeen dhacdooyin ay ka mid yihiin inay darooga siiyaan dadka taas oo 12 saacadood ku sarqaamineysa, iyagoo muddadaasi gudaheyd ku dhacaya lacago iyo waxyaale kale oo qiimaha leh.
Tani ayaa timid ka dib markii dambi baarayaasha fadhigoodu yahay deegaanka Kiambaa ee ismaaulka Kiambu ay warbixin ka heleen dhibanayaasha dhaca loo geystay ka dib markii darooga la siiyay.
Saraakiisha waaxda DCI-da ayaa soo helay taleefannada gacanta iyo saacadaha qaali ah oo laga shakisan yahay in laga soo xaday dhibanayaasha ayaa laga soo qabtay xarunta burcaddan.
Waxaa sidoo kale la soo helay daroogadii ay u adeegsan jireen inay ku dhibaateeyaan dhibanayaasha
Tuhmanayaasha ayaa hadda ku jira saldhigga booliska ee Karuri, iyaga oo sugaya in la horkeeno maxkamadda maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe.