Beesha Caalamka oo ku baaqday in si degdeg ah loo guda galo doorashada Soomaaliya

0
546

Saaxiibada Beesha Caalamka ee dalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirweynihii wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee Madaxda Dowladda dhexe iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee guusha ku soo idlaaday oo shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Waxay Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ku bogaadinayeen sida uu u hogaamiyay geeddi-socodkan, iyo sidoo kale Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiinta kale ee sida habsanida leh ee wax ku oolka ah uga qaybqaatay wadahadallada.
Xubnaha beesha Caalamka waxay Mahad u soo jeediyeen Madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ku baaqay 1-dii bishan in lagu laabto hanaanka doorashada Heshiiskii 17 Septembar ee sanadkii hore kuna Wareejiyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada.
Waxay markale ugu baaqeen dhammaan saamilleyda inay si degdeg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhanyahay daahfuran oo dib u dhac la’aan ah.
Beesha Caalamka waxay madaxda Soomaaliyeed ugu baaqday inay wadahadal caadi ah oo dhexmara saxiixayaasha Heshiiskii 17kii Septembar ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee mustaqbalka yimaada.
Saaxiibada Beesha Caalamku waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah ee dalka Soomaaliya Doorashooyinka u Jiheeyay.