Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Khudbadii uu ka jeediyay Saxiixa Heshiiska Doorashada ku soo hadal qaaday in waalidiinta Soomaaliyeed oo maalmahaan ka hadlayay warbaahinta gudaha kana cabanayay dhallinyaro ay dhaleen oo la sheegay in loo waday tababar ciidan hase yeeshee aynan ilaa iyo hadda wax war ah laga haynin.
Waxaa uu sheegay in waalidiinta ay qabaan cabasho xooggan oo aysan ogeyn meel ay jiraan carruurtii ay dhaleen.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in waalidiinta cabanaya ay sheegayaan in qaarkood ilmahooda aysan arkin muddo labo sano ah .
Madaxda sare ee dalka ayuu guddoomiyaha Aqalka Sare ka codsaday inay u jawaabaan waalidiinta cabanaya ee aan carruurtooda war iyo wacaal midna ka haynin.
Waxaa uu sheegay in haddii laga jawaabin ay ka dhalan doonto inay sii waddaan banaanbaxyada dowladda ay uga soo horjeeddaan.
Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay dhallinyarada inaysan qabyaaladda ku kala qaybsamin oo ay dalkooda u adeegaan.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Cabdi Xaashi oo ku baaqay in madaxda dalka xalliyaan cabashada waalidiinta dhallinyaradu...