Wararka ka imaanaya degaano ka tirsan Gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaay sheegayaan in xalay diyaarado dagaal ay duqeyn ka fuliyeen degmada Tiyeegloow oo ay Maamulaan Ururka Al-Shabaab.
Ilo dadka degaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa jug culus balse aysan ogeyn halka ay ku dhaceen iyo qasaaraha ka dhashay.
Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa Warsaxaafadeed kasoo baxay waxaa lagu sheegay in duqeyntaas ay ku burburiyeen Xarumo ay leeyihiin Al-Shabaab, balse aan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad rayid ah ee deegaankaas ku sugan.
Gobolka Bakool ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha ay awooda xoogan ku leeyihiin Al-Shabaab, waxana u go’doonsan degmooyinka Xudur, Waajid iyo Ceel-Barde.
Duqeyn taan ka dhacday degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku sugan yahay degmada Xudur, isla markaana uu Amar ku bixiyay in la qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.