Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in la isaga soo dhawaaday Qaar ka mid ah Qodobada laga doodayay ee arimaha doorashada,waxaana shirku Maanta Galay Maalinkii 4-aad oo Xiriira ayadoo si weyn looga dhursugayo inay ka soo baxaan qodobo la isku raacay oo suuragalin kara in wadanka uu doorasho aado.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah Xidhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa kulamo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka ka wadaan Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiintaan ayaa Maanta kulan la qaateen musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyagoo ka wada hadlay xaalada guud ee dalka uu marayo gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo ka mira dhalinta Shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi iyo Xubno la socda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaay wadeen kulamo ku saabsan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhaxeeya siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ka soo jeeda ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Shalay waxaa Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyadoo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu shaaciyay in kulankaas isfaham lagu gaaray.
Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa dhankiisa wuxuu Faahfaahin ka bixiyay warqad shalay ka soo baxday guddoomiyaha aqalka Sare iyo siyaasiinta ay isku aragtida yihiin sidoo kale Qodobada lagu kala aragtida duwanyahay iyo sida ay hada arintu ku socoto.