Ku xigeenka madaxa bangiga dhexe ee Turkiga oo xilka laga qaaday

0
522

Wararka naga soo gaaraya dalka Turkiga ayaa sheegaya in xilka laga qaaday Oguzhan Ozbas oo ka mid ahaa afarta ku xigeen ee madaxa bangiga dhexe ee wadankaas.
Tallaabadan ayaa imaanaysa labo bilood un ka dib markii shaqada laga joojiyay madaxii bangigaas iyo ku xigeenkiisa.
Waxaa xilkii uu yahay Ozbas loo magacaabay Semih Tumen sida ku cad wareegto xalay lagu daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda Turkiga.