Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer ee maalmo ka hor la dhaariyay Axmad Cali Mukhtaar ayaa dadweynaha ka codsaday in ay is dejiyaan ka dib hadalkii shalay ka soo yeeray Maxamad Cabdi Maxamuud oo dowlad deegaankaasi hoggaaminayay ka hor inta aan xilka laga qaadin.
Barasaabkii hore ee Wajeer ayaa sheegay in maxkamadda sare laanteeda Meru ay u oggolaatay inuu sii wato gudashada waajibaadkiisa sidaas awgeedna labo cisho gudahood uu dib ugu laabanaya xafiiska.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in maxkamadda ay waxba kama jiraan ka soo qaaday go’aankii ku xigeenkiisi loogu dhaariyay xilka guddoomiyaha Wajeer maadaama sida uu qabo aan la raacin nidaamka dastuuriga ah.
Hasa ahaate barasaabka hadda xafiiska joogo Axmad Cali ayaa qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ku sheegay in maxkamadda Meru ay ka gaabsatay in ay fuliso rabitaanka Maxamad Cabdi ee uu ku doonayay in lagu buriyo xilka qaadistii ka dhanka ahayd.
Mr. Axmad ayaa xusay inuusan jirin firaaq dhanka xafiiska guddoomiyaha Wajeer sidaas awgeedna ay bulshada u sii shaqeynayaan caqabad la’aan.
Dadweynaha ismaamulka Wajeer ayuu ku boorriyay in aysan walaac muujin oo ay ka rajeyaan keliya adeegyo wax ku ool ah.