Trump ayaa ka dhoofay Sacuudiga, isagoo soo gebagebeeyey safarkii ugu horreeyay ee dibadda ah oo uu ku tago markiisa labaad ee madaxtinimo.
Subaxnimadii hore ee saaka ayuu ka qayb galay shir madaxeed uu la yeeshay madaxda Golaha Iskaashiga Khaliijka oo ka dhacay caasimadda Sacuudiga. Inta lagu guda jiro hadalkiisa, madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa uu dib u xaqiijiyay ka go’naanta istaraatiijiyadeed ee Mareykanka iyo iskaashiga gobolka.
Hogaamiyayaasha Sacuudiga, Baxreyn iyo Kuweyt ayaa sidoo kale ka hadlay shirka, iyagoo soo hadal qaaday dagaalka Qaza iyo sida loogu baahan yahay in la ilaaliyo xuquuqda Falastiiniyiinta.
Kahor shirka, Trump ayaa waxaa uu la kulmay madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan laba hoggaamiye ee labada dal muddo 25 sano ah.
Kulanka ayaa sidoo kale ku soo begmayaa maalin u kadib markii uu Trump ku dhawaaqay in Suuriya uu ka qaadi doono cunaqabataynta Mareykanka si ay fursad ay dalkooda ku dhistaan u helaan.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa hadda u ambabaxaya dalka Qatar si uu uga qeyb galo lugtii labaad ee socdaal saddex geesood ah oo uu ku marayo dalalka Khaliijka.