Hoggaamiyayaasha mucaaradka oo eedeeyn ujeediyay Ruto iyo Raila

0
95

Hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa hadda ku andacoonaya in xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC la horgeeyay baarlamaanka si loo ansixiyo si ay ula wareegaan maamulka guddiga doorashada ay tahay mashruuc lagu shubani rabo doorashada guud ee 2027-ka.
War qoraal ah oo ay soo saareen mucaaradka oo uu hogaaminayo hogaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka, ayaa ku eedeeyay madaxweyne William Ruto iyo hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga in ay soo xuleen guddiyo xiriir la leh iyaga ama xulafadooda, taas oo wax u dhimaysa daacadnimada hanaanka.
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in habka shaqaalaysiinta uu ahaa mid khaldan, iyadoo lagu andacoonayo in guddiga doorashada uu ahaa kordhinta siyaasadeed ee Aqalka Madaxtooyada ee State House oo ay ka buuxaan kuwa daacadda u ah Ruto iyo la taliyayaashisa.
Xubnaha mucaaradka oo walaac ka muujiyay arrintan ayaa ku baaqay daahfurnaan.
Isbaheysiga mucaaradka ayaa si gaar ah uga soo horjeeda guddoomiyaha la magacaabay Erastus Ethekon, kaasoo ay ku andacoonayaan inuu yahay qof daacad u ah madaxweyne Ruto oo xiriir dhow la leh mid ka mid ah shaqaalaha Aqalka Madaxtooyada iyo Barasaabkii hore ee ismaamulka Turkana Josphat Nanok.
Waxaa ay sidoo kale ka soo horjeedaan xulashada Xassan Nuur, oo loo magacaabay inuu noqdo xubin ka tirsan IEBC. Waxaa ay ku andacoonayaan inuu qaraabo la yahay hogaamiyaha kuwa laga tirada badan yahay ee barlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Bariga Suna ee dowlad gobolleedka Migori Junet Maxamed.
Hoggaamiyayaashan ayaa sheegay in Xasan nuur uusan ku jirin liiskii hore ee asalka ahaa oo dib looga soo daray.
Mucaaradku waxay dalbanayaan in si degdeg ah oo buuxda loo daabaco warbixinta guddiga xulashada si ay dadweynaha u eegaan shuruudaha loo adeegsaday xulashada 7-da xubnood ee IEBC.