Waxaa laga billaabo 26-ka bishan oo ku beegan Jimcada magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ka furmi doono shir uu halkaasi ku yeelanaya baarlamaanka oo ku saabsan maamul wanaagga.
Kulankan ayaa noqonaya midkii Saddexaad ee sanadla ah oo la qabto.
Aqoon iswaydaarsiga oo ay soo qaban qaabisay xarunta culuunta baarlamaanka iyo tababarrada oo kaashanaysa golaha xeer dejinta ayaa lagu eegaya sida dadweynaha looga qayb gelin karo maamul wanaagga.
Waxaa si rasmi ah u furi doono guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula iyadoo uu qorshuhu yahay inuu kulankaasi soo xiro dhigiisa aqalka sare Amason Jeffah Kingi.
Sidoo kale aqoonyahaannada ka qayb galaya madashaasi ayaa iswaydaarsan doono dhaqamada ugu wanaagsan ee lagula tacaali karo caqabadaha la xiriira ka qayb gelinta bulshada ee arrimaha qaranka.
Waxaa kulankaasi hadallo ka soo jeedin doono ilaa 37 qof labada cishe ee uu socon doono.