Aqalka Senate-ka Oo Walaac Ka Muujiyay Dhulka hay’adda KALRO Oo La boobay

0
330

Guddiga aqalka senate-ka u qaabilsan beeraha ayaa walaac ka muujiyay boobitaanka dhul loogu talagalay cilmi baarista beeraha ee dalka oo dhan.
Guddiga ayaa tilmaamay in hay’adda cilmi baarista beeraha iyo xoolaha ee Kenya ee KALRO ay tahay hay’adda ugu badan ee ay arrintani saameysay, iyagoo xusay in tani ay dhaawacayso wax-soo-saarka iyo cilmi-baarista dalka.
Arrintan ayaa timid iyadoo guddiga uu guddoomiye u yahay Senator-ka ismaamulka Bungoma David Wakoli uu ka digay in dhimista miisaaniyada lagu beegsanayo beeraha ay saameyn doonto dalka sanadaha soo socda.
Sida uu sheegay Wakoli, ganacsatada aan damiirka lahayn ee la shaqeysa saraakiisha dowladda ayaa bartilmaameedsaday dhulka KALRO, tallaabadaas oo saameyn xun ku yeelatay howlihii shaqo.
Waxaa uu sheegay in senate-ka uu wasaaradda dhulka kala shaqayn doonaan sidii dhammaan dhulka loo qoondeeyay cilmi baarista iyo wax soo saarka beeraha uu u lahaan lahaa warqad lahaanshaha.
Isagoo ka hadlayay ka dib markii uu booqday xarunta KALRO ee magaalada Naivasha, ayaa waxaa uu ku bogaadiyay hay’adda adeegyadda ay u qabato beeralayda inkastoo ay jirto dhaqaale xumo.
Waxaa uu xusay in wada shaqaynta ka dhaxaysa machadka iyo maamul goboleedyada in beeralayda gobolo badan ay ka faa’iidaysanayaan digaagga iyo doofaarka oo la kabo.
Dhankiisa, Senetarka dowlad deegaanka Kisumu Tom Ojienda ayaa sheegay in sharciga KALRO ee 2013 wax laga bedelo, si machadku u helo awood dheeri ah oo uu ku gudan karo howlihiisa shaqo.
Arrintaan ayaa waxaa ka dhawaajiyay dhigiisa Embu Alexander Mundigi oo ku tilmaamay qabsashada dhulka KALRO mid khatar weyn ku ah sugnaanta cuntada dalka.
Agaasime ka tirsan KALRO oo lagu magacaabo Samuel Mbuku ayaa qirtay in ay soo wajahday caqabado dhaqaale balse waxaa uu si degdeg ah u sheegay in ay la shaqaynayaan la-howlgalayaasha horumarinta iyo gobollada si ay u daboolaan dalabaadka beeralayda.