Guddoomiyaha ismaamulka Meru Kawira Mwangaza ayaa ka badbaaday inay xafiiska banneyso.
Tani ayaa timid ka dib markii senatarrada aqalka sare ay xalay cod aqlabiyad leh ku laaleen mooshinkii ay wakillada golaha hoose ee Meru xilka uga qaadeen barasaabka dowlad deegaankaasi.
Iskudaygan ayaa ahaa midkii labaad wax ka yar sanad.
Aqalka sare ayaa sheegay in barasaabka Meru aan lagu caddeyn ilaa toddobo dacwadood oo lagu soo oogay.
Barasaabka ismaamulka Meru Kawira Mwangaza ayaa lagu eedeyay arrimo ay ka mid yihiin ku tagriifalka lacagaha dadweynaha , qof jecleysi,dhaqamo anshaxa ka baxsan , cabsigelinta iyo liiditaanka hoggaamiyaasha kale,inay sameysay magacaabid sharci darro ah , inay dafirtay awoodaha maxkamadda iyo golaha sidoo kalena ay ninkeeda waddo ugu magac dartay.
Kawira ayaa shalay iska fogeysay dhammaan eedeymahan waxayna sheegtay in si gaar ah loo bartilmaameedsanaya maadaama ay hoggaamiye haweeney ah tahay oo golaha hoose ee Meru ay u badan yihiin xubno rag ah.
Dacwaddii ugu horreysay ee ahayd ku tagriifalka kheyraadka dadweynaha waxaa codkooda uga soo horjeestay 28 senatar halka 19 ay dhaliishaasi ayideen.
Dacwadii labaad ee ahayd qof jecleysi iyo inay ku kacday dhaqamo anshaxa ka baxsan waxaa in aan la caddeyn qiray 42 senatar halka 5 ay ayideen.
Dacwadii saddexaad ee la xiriirtay in ay cabsi geliso oo ay liiddo hoggaamiyaasha kale waxaa codkooda uga soo horjeestay 44 senatar halka 3 ay wakiillada ku waafaqeen.
Magacaabidda sharci darrada ah iyo adeegsiga awoodo aynan lahayn waxaa ka soo horjeestay 26 senatar iyadoo 20 ay codkooda ku taageereen.
Waxaa arrinkan ka gaabsaday hal senatar.
Dafiraadda amarka maxkamadda waxaa dhinac iskaga dhigay 44 senatar waxaana wakiillada Meru ku taageeray 3 senatar.
Dacwadii 6-aad ee ahayd inay ninkeeda waddo ugu magac dartay waxaa ku gacan seyray 43 senatar halka afar ay taageereen.
Dacwadii 7-aad ee la xiriirtay dafiraadda amarrada golaha hoose ee Meru waxaa dhinac iskaga dhigay 36 senatar halka 10 ay wakillada ku waafaqeen.
Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay in maadaama senatarrada badankooda ay ka soo horjeesteen waxyaabihii loo haystay barasaabka, inay xafiiska sii hayn doonto.
Cod