Waxaa dib loo dhigay kal-fadhi saaka lagu waday inuu yeesho aqalka sare ee dalka tani oo loo aaneeyay kooraam la’aan.
Waxaa la filayay in wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Mr. Ezekiel Machogu uu ka soo hormuuqdo senate-ka si su’aallo loo waydiiyo.
Xeer hoosaaka senate-ka ayaa dhigaya in loo baahan yahay kooraam dhan 15 si howlaha loo guda galo.
Guddoomiyaha aqalka sare,Amason Kingi ayaa sheegay in kal-fadhiga uu qabsoomi doono abaare 2:30 galabnimo ee maanta xilligaasi oo la rajeynaya in senatarro dheeraad ah ay golaha soo xaadiraan.




