Guddiga aqalka sare u qaabilsan arrimaha dowlad wadaajinta ayaa ka laabtay ganaax lacageed oo dhan 500,000 oo shilin oo la saaray taliyaha guud ee ciidamada booliska wadanka Hillary Mutyambai ka dib markii uunan u hoggaansamin amarro loogu yeeray.
Guddiga uu hoggaamiyo senatarka ismaamulka Homabay Moses Kajwang ayaa dib u eegis ku sameeyay go’aankiisi hore ka dib markii uu Mutyambai racfaan qaatay.
Taliyaha guud ee booliska dalka ayaa xubnaha guddiga ka codsaday inaysan ku tallaaba qaadin ganaaxa ay ku soo rogeen maadaama uunan si ula kac ah uga maqnaan kal-fadhiyadii looga yeeray.
Mutyambai ayaa sheegay in aan lala wadaagin taariikhda rasmiga ee uu ka soo hormuuqanaya guddiga arrimaha dowlad wadaajinta ee aqalka senate-ka.
Waxaa laga doonayay inuu faahfaahin ka bixiyo sababta ciidamo boolis ah loogu adeegsaday in la barakiciyo qoysas degganaa dhulal ku yaalla xaafadaha Pumwani iyo Islii kuwaasoo la rumeysan yahay in si sharci darro ah lagula wareegay.
Hillary Mutyambai , taliyaha guud ee ciidamada booliska ayaa sheegay inaysan jiri doonin cid laga barakiciyo dhul ay deggan tahay xita haddii ay maxkamaddu amarto iyadoo howlgalkaasi uunan ansaxin xafiiskiisa.