Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa maanta yeelanaya kal-fadhi gaar ah oo ay ku go’aaminayaan mustaqbalka hoggaamineed ee barasaabka ismaamulka Meru, Kawira Mwangaza.
Tani ayaa timid ka dib markii guddi ka kooban 11-xubnood oo loo xil-saaray inuu baaro xil ka qaadis ay wakiillada golaha hoose ee Meru ku sameeyeen barasaabka uu soo gabagabeeyay fadhiyadiisi.
Waxaa kulamada lagu wareystay qareennada golaha iyo barasaabka xilka laga xayuubiyay.
Kawira oo ku eedeysan maamul xumo ayaa iska fogeysay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.
Kal-fadhiga aqalka sare ee maanta ayaa lagu ayidi doonaa ama meesha looga saari doonaa xil ka qaadistii guddoomiyaha Meru ee 14-kii bishan Diseembar.