Aqalka sare oo maanta dhageysan doono mooshinkii xilka looga qaaday barasaab ku xigeenka Kisii

0
119

Aqalka sare ee dalka ayaa maanta billaabi doono geeddisocodka dhageysiga mooshinkii xilka looga qaaday ku xigeenka guddoomiyaha ismaamulka Kisii ,Robert Monda.
Tani ayaa timid ka dib isbeddello shalay lagu sameeyay kulamada senate-ka ee Arbacada iyo Khamiista.
Waxaa arrinkan soo jeediyay hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ee dalka ,Aaron Cheruiyot.
Senatarrada ayaa maanta iyo berri yeelan doono kal-fadhiyadooda galinka hore iyo galinka dambe si ay codkooda ugu taageeraan ama uga soo horjeestaan go’aankii ay wakiillada golaha hoose ee Kisii xilka uga xayuubiyeen barasaab ku xigeenka dowlad deegaankaasi.
Aaron Cheruiyot ayaa sheegay in fadhiyada galinka hore ay billaaban doonaan 9-ka subaxnimo oo aynan soconayaan ilaa 1-da duhurnimo.
Fadhiga galinka dambe ayaa furmi doono abaare 2.30 galabnimo wuxuuna soconaya ilaa iyo inta ay senatarrada ka soo gabagabeynayaan howlaha u yaalla.
Senatarrada ayaa ka doodi doono eedeymaha ka dhanka ah Monda ka hor inta aan wakiillada Kisii fursad loo siin inay caddeymahooda soo bandhigaan.
Sidoo kale barasaab ku xigeenka Kisii ee xilka laga qaaday ayaa isna fursad u heli doono inuu iska difaaco eedeymaha loo jeediyay ka hor inta aynan xubnaha aqalka sare guda gelin codeynta.
7-dii bishan ayay ahayd markii aqalka sare uu go’aamiyay in dacwaddan si guud loo eego maadaama aan lagu guulaysan in guddi gaar ah loo saaro.
Waxaa la filayaa in doodda la xiriirta xil ka qaadistii Monda ay noqoto mid kulul maadaama uu ka tirsan yahay xisbiga mucaaradka ee ODM halka ay siyaasiyiinta Kenya Kwanza aqlabiyad ku leeyihiin senate-ka.
29-kii bishii hore ayay ahayd markii barasaab ku xigeenka Kisii Robert Monda xilka looga qaaday eedeymo musuqmaasuq iyo ku tagriifal awoodeed.