Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka , Amason Kingi ayaa sheegay in Isniinta soo socoto ee 26-ka bishan uu qabsoomi doono kal-fadhi gaar ah.
Senatarrada ayaa eegi doono warbixinta guddi gaar ah oo loo xil saaray inuu baaritaano ku sameeyo tallaabadii ay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Siaya xilka uga qaadeen barasaab ku xigeenka dowlad deegaankaasi William Oduol oo ay ku eedeyeen habdhaqan xumo iyo inuu awooddiisa ku takriifalay.
Oduol oo shalay ka soo hormuuqday aqalka sare ayaa iska difaacay eedeymaha loo jeediyay wuxuuna sheegay in lagu hayo bartilmaameedsi siyaasadeed maadaama uu shaaca ka qaaday musuqmaasuq ka dhex jiro ismaamulkaasi.