Senatarrada aqalka sare ayaa guddi ka kooban 11 xubnood waxaa ay u saareen inuu baaritaano qoto dheer ku sameeyo sababaha keenay in ugu yaraan 103 qof ay ku dhintaan keynta tuulada Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Guddigan ayaa sidoo kale loo xil saaray inuu eego sababaha ka dambeeya in hay’ado diimeed ay ku soo bataan gudaha wadanka.
Xubnaha guddigan ayaa kala ah senatarka ismaamulka Bomet Hillary Sigei ,Tabitha Mutinda ( magacaabid ), Veronica Maina (magacaabid), William Cheptumo (senatarka Baringo), Shakila Maxamad (magacaabid),David Wakoli (Bungoma), Hamida Kibwana (magacaabid ), Richard Onyonka (senatarka Kisii), Eddy Oketch (Migori) iyo senatarka ismaamulka Garissa Cabdulqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji.
Mooshinka lagu soo saaray guddigan waxaa aqalka sare ee dalka horgeeyay senatarka ismaamulka Kakamega Boni Khalwale.
Guddigan ayaa laga doonaya inuu xafiiska diiwaangeliya ururrada ka soo xaqiijiyo tirada iyo waxyaabaha ay qabtaan kooxaha diimeed ee ka diiwaangashan gudaha wadanka.
Waxay eegi doonaan qaabka hay’adahan loo diiwaangeliyay iyo sida ay uga soo baxaan xeerarka u degsan maareyntooda.
Guddiga ayaa sidoo kale muddo 90 cishe gudaheeda ah ku soo saari doono talooyin dhanka xeer dejinta ah oo mustaqbalka lagu maareyn karo dhaqdhaqaaqyada diimeed si looga hor tago xagjireyn iyo faafinta caqiidooyin halis ah.