Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi ayaa isugu yeeray senatarrada si ay maanta u yeeshaan kal-fadhi gaar ah.
Qoraal la soo dhigay wargeyska rasmiga ee dowladda ayaa muujinaya in fadhiyada senate-ka ay qabsoomi doonaan galinka hore iyo gelinka dambe ee maanta.
Waxaa maanta la dhaarin doonaa William Kipkemoi Kisang oo 5-tii bishan loo doortay senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Senatarrada ayaa sidoo kale eegi doono hindise sharciyeedka isbeddelka xeerarka IEBC ee sanadkii hore.
Hindisahan oo uu soo saaray hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichug’wah kadibna loo gudbiyay aqalka sare ayaa lagu soo jeediyay in wax laga beddelo xubinnimada guddiga ka shaqeynaya in la buuxiyo jagooyinka ka bannaanaaday guddiga doorashooyinka ee IEBC.
Soo jeedintan ayaa markii ugu horreysay golaha senate-ka ee dalka laga hor akhriyay bishii Diseembar ee sanadkii hore.
Isbeddelka la doonaya ayaa ah in la yareeyo tirada guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC uu u soo xusho inay ka mid noqdaan toddobada qof ee qaabilsan in la buuxiyo jagooyinka IEBC.
Xubnaha guddigaasi ku matalaya PSC ayaa hadda ah afar.
Kimani Ichug’wah ayaa u ololeynaya in guddiga isku xirka xisbiyada siyaasadeed iyo guddiga adeegga dadweynaha in loo oggolaado inay soo xulaan min hal xubin oo matasha.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo 17-kii bishan uu dhammaaday muddo xileedka saraakiisha sar sare ee IEBC iyo guddoomiyahooda halka Saddex kale ay horay isku casileen ka dib markii uu madaxweynaha dalka William Ruto si ku meel gaar ah shaqada uga istaajiyay.
Mas’uuliyiinta IEBC ee xafiisyada baneeyay ayaa kala ah Wafula Chebukati, Prof.Cabdi Yaaquub Guuliye iyo Boya Molu oo 6 sano shaqeynayay.
Saddexda is casishay ayaa kala ah Juliana Cherera ,Francis Wanderi iyo Justus Abonyo oo lagu eedeyay inay bishii Sideedaad ee sanadkii hore khalkhal geliyeen ku dhawaaqiddda natiijadii doorashada.
Irene Masit oo iyadana shaqada laga istaajiyay ayaa weli sugeysa go’aanka guddi baaritaano ku sameeyay oo uu magacaabay hoggaamiyaha wadanka.
Marka la soo dhiso guddiga xulashada waxaa uu xayeysiin doonaa shaqooyinka ka bannaan guddiga doorashooyinka ee IEBC si loo howlgeliyo howlwadeeno kale oo uu ugu dambeyn magacaabi doono madaxweyne Ruto.
Kal-fadhiyada caadiga ee aqalka sare ayaa dib u billaaban doono 14-ka bisha labaad ee sanadkan maadaama ay xubnaha weli fasax ku jiraan.