Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa xalay fiidkii qaab codeyn ah ku ayiday tallaabadii ay wakillada golaha hoose ee ismaamulka Kisii ay 29-kii bishii hore xilka uga qaadeen barasaab ku xigeenka dowlad deegaankaasi Dr .Robert Monda.
Senatarrada ayaa wakiillada Kisii ku waafaqay dhammaan afartii dacwadood ee ka dhanka ahaa Monda .
Siyaasigan ayaa lagu eedeyay inuu ku kacay xadgudub wayn oo ka dhan ah dastuurka , inuu sameeyay habdhaqan xumo , ku tagriifal awoodeed iyo dembiyo ka dhan ah xeerarka qaran.
Waxyaabihii loo haystay waxaa ka mid ahaa inuu aabaha wiil lagu magacaabo Dennis Misati iyo qoyskiisa ka qaatay lacag laaluush oo dhan 800,000 oo shilin si uu wiilkan uga shaqaleysiiyo shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee (GWASCO).
Monda ayaa sidoo kale loo haystay inuu ku tagriifalay kheyraadka ismaamulka Kisii ka dib markii uu saraakiisha maamulka hoose ee amarrada fuliya uu ku amray in ay soo xiraan walaalkiisa oo ay ka dhexeysay arrin shakhsiyeed.
Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi ayaa shaaciyay in senatarrada ay isku raaceen inuu xafiiska banneeyo barasaab ku xigeenka ismaamulka Kisii Dr. Robert Monda.
Waxaa uu Kingi xusay in ka dib markii ay dhageysteen caddeymaha loo soo bandhigay iyo doodaha arrinkan ku aaddanaa in 39 senatar oo ka mid ahaa 43 ka qayb gashay kal-fadhiga ay u codeeyeen in Robert Monda uunan sii hayn karin xafiis loogu adeego dadweynaha.