Aqalka sare oo ansaxiyay xeer meesha ka saaraya in shahaadada waxbarasho ee Degree lagu xiro siyaasiyiinta xilal doonka ah

0
339

Golaha guurtida ee dalka ayaa taageeray in meesha laga saaro xeer ahaa in siyaasiyiinta xilal doonka ah gaar ee doorashada guud ee sanadkan looga baahan yahay inay haystaan heerka waxbarasho ee shahaadada Degree.
Waxaa arrintan taageeray 27 senatar oo ka tirsan aqalka sare ee dalka islamarkaana aynan jirin cid kasoo horjeesatay.
Tallaabadan ayaa kalsooni siineyso kumannaan Kenyan ah oo leh hami siyaasadeed, balse aanan haysan shahaadada Degree.
Senetarka ismaamulka Elegeyo Marakwet Kipchumbaa Murkomen oo aqalka sare horgeeyay xeerka wax ka beddelka hindise sharciyeedka doorashooyinka oo uu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC soo saaray sanadkii hore ee 2021-ka, ayaa sheegay in heerka waxbarasho ee Degree oo khasab laga dhigo ay caqabad ku noqonayso siyaasiyiin badan oo aaminsan in ay dadweynaha hoggaanmin karaan balse aan haysan shahaadada laga doonayo.
Waxaa uu ku doodayaa in waxqabadka qofka mas’uulka ah uunan ku xirnayn aqoontiisa balse kartidiisa iyo garashada mas’uuliyadda saaran.
Sharcigan ayaa hadda loo gudbin doonaa golaha qaran ee xeer dejinta si ay uga doodaan, haddii ay ansaxiyaan ka dib uu madaxweynaha uu saxiixo.