Aqalka sare oo ansaxiyay isbeddelo lagu sameeyay xeerarka siyaasadeed ee Kenya

0
405

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa xalay fiidkii ansaxiyay hindise sharciyeed ay maalmo ka doodayeen oo ku saabsan isbeddelo lagu sameeyay xeerarka lagu maamulo xisbiyada siyaasadeed ee wadanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in senatarrada aynan isbeddel dheeraad ah ku sameyn qodobbada loo soo bandhigay ee ka soo gudbay golaha qaran ee xeer dejinta.
28 senatar ayaa u codeeyay hindisaha halka afar ay ka soo horjeesteen.
Guddoomiyaha aqalka sare Ken Lusaka ayaa xeerarkan dib ugu celin doono dhigiisa baarlamaanka Justin Muturi oo ku wareejinaya madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta si uu qalinka ugu duugo.
Doodda shalay ee arrintan ku aaddan ayaa socotay ilaa shan saacadood in kastoo aan la soo tabin rabshadihii saameeyay baarlamaanka.
Senatarrada xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ka soo horjeeday isbeddelladan ayaa ugu dambeyn looga tag roonaaday dhanka codadka.