Senatarrada aqalka sare ayaa dalbaday in baaritaano dhanka hanti dhowrka ah lagu sameeyo lacagaha deymaha ee lagu leeyahay dowladda hoose ee ismaamulka Wajeer.
Tani ayaa timid ka dib markii qiimaha deyntan oo ahayd hal bilyan oo shilin ay labo bilood gudahooda gaartay 5.5 bilyan oo shilin.
Waxaa caqabadaha dhaqaale ee haysta Wajeer guddiga xisaabaadka ee aqalka sare la wadaagay barasaabka dowlad deegaankaasi Axmad Cabdullahi.
Sidoo kale dowladda hoose ee ismaamulka Wajeer ayaan weli bixin 1.5 bilyan oo shilin oo ah lacagaha laga jaro shaqaalaha balse aan lagu wareejin waaxyaha loogu tala galay.
Guddoomiyaha Wajeer ayaa bartiisa rasmiga ee Facebook-ga soo dhigay qoraal uu ku sheegaya in xubnaha guddiga uu hoggaamiyo senatarka Homa Bay Moses Kajwang ay su’aallo ka waydiiyeen adeegsiga dhaqaalihii sanad maaliyadeedkii 2019-2020.
Barasaabka ayaa xusay inay maamulkii ka horreeyay ee Maxamad Cabdi Maxamuud ay kala wareegeen deyn dhan 7.4 bilyan oo shilin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu billaabay baaritaannada lagu sameynaya deymahan iyo waaxda shaqaaleysiinta isagoo guddiga xisaabaadka ee aqalka sare u xaqiijiyay in waxyaabaha ka soo baxo baaritaannada ay la wadaagin doonaan dhammaadka bisha Toddobaad ee sanadkan.
Wajeer ayaa hadda ah ismaamulka labaad ee lagu leeyahay deymaha ugu badan marka laga soo tago Nairobi.