Aqalka sare ee dalka Pakistan ayaa ansixiyay qaraar dhigaya in dib loo dhigo qabsoomidda doorashada guud ee wadankaasi.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in doorashadan ay dhacdo 8-da bisha labaad ee sanadkan.
Hasa ahaate aqalka sare ee Pakistan ayaa maanta meel mariyay isbeddel uu soo jeediyay senatar madax bannaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tani uu isbeddel ku imaan karo.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayaa lagu waday inay Pakistan doorasho guud ka dhacdo balse waxaa dib loo dhigay ilaa bisha Febraayo ee sanadkan oo hadda dib u eegis kale lagu sameeyay.