Xubnaha aqalka senate-ka ee Maraykanka ayaa codkooda ka dhiibtay qorsho ay dowladda dalkaasi Ukraine ugu taageerayso dhaqaale dhan 40 bilyan oo doolar.
Waxaa la filaya in dabayaaqada toddobaadkan si buuxda loo ansaxiyo hindise sharciyeedkaasi.
Waxaa qorshaha maamulka Biden uu caawimaad dheeraad ah ku gaarsiinaya Ukraine codkooda ku taageeray 81 senatar halka 11 oo ka soo jeedo xisbiga Jamhuuriga ay diideen.
10-kii bishan ayay ahayd markii xubnaha aqalka wakiillada ee Maraykanka uu deeqdan ansaxiyay hasa ahaate waxaa uu hakad ku galay dhanka aqalka sare.




