Koongareeska Mareykanka ayaa u codeeyay in uu ka soo horjeesto canshuuraha uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku soo rogay Kanada. Go’aan arrintaa la xiriira ayaa laga soo saaray golaha wakiilada.
Qaraarka lagu burinayo canshuuraha uu Trump saaray Kanada ayaa lagu meel mariyay cod dhan 219-211.
Lix xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Trump ee xisbiga Jamhuuriga ayaa u codeeyey soo jeedintan, halka hal xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga uu diiday soo jeedinta.
Intii ay socotay codeynta ayuu madaxweyne Trump uga digay sharci-dajiyayaasha xisbiga Jamhuuriga qoraal uu soo dhigay baraha bulshada in qof kasta oo ka codeeya canshuuraha uu la kulmi doono “cawaaqib xun” xilliga doorashada.
Trump wuxuu sheegay in Kanada ay “ka faa’iidaysatey” Maraykanka ganacsiga sannado badan.
Waxa uu Kanada ku soo rogay canshuuro kala duwan. Dhowaan, Trump wuxuu ku hanjabay inuu 100% canshuuro ku soo rogi doono Kanada isagoo ka jawaabaya heshiis ganacsi oo la soo jeediyay oo u dhexeeya Kanada iyo Shiinaha.
Soo jeedintan ayaa u gudbi doonta aqalka senate-ka, oo ah aqalka labaad ee baarlamaanka Mareykanka, halkaas oo xisbiga Jamhuuriga uu haysto aqlabiyadda.




