Maamulka uu hoggaamiyo madaxweynaha xilka ka sii dagayo ee Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay wada hadal kula jiraan saraakiil Turki ah iyo kuwa kale si loo helo xog dheeraad ah oo ku saabsan meesha uu Austine Tice ku maqan yahay iyo in uu nool yahay iyo in la dilay.
Mr. Tice oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada militariga Maraykanka oona ah wariye madax bannaan ayaa bishii 8-aad ee sanadkii 2012-kii laga afduubtay caasimadda dalka Syria ee Dimishiq isagoo soo tabinaayo kacdoonkii ka dhanka ahaa madaxweynihii hore Bashar Al-Assad.