Xoghayaha Guud ee waaxda Ilaalinta Bulshada Joseph Motari ayaa mar uu ka soo hormuuqday Guddiga Baarlamaanka Qaranka ee Hirgelinta ayaa sheegay in lacag bixinta bishii hore ee dadka waayeelka ah ay dib u dhacday ka dib markii lagu guuldareystay in loo qoondeeyo miisaaniyada kaabka.
Lacag dhimistan ayaa timid kadib markii uu xildhibaanada ay hoos u dhigeen da’da lagu qaadani jirey lacagahan oo ehed 70 sano balse hadda laga dhigey 65 sano.
Joseph Motari ayaa ku andacooday in aan barnaamijkan lagu darrin qoondeeynta miisaaniyadda dheeriga ah taasoo sababtay in xilligii dadka waayeelka ay lacagtan qaadani jireen ay dib uga dhacday in ka badan 2 isbuuc.
Bishii hore ee March madaxweyne William Ruto ayaa ogolaaday miisaaniyada dheeriga ah ee 2 taasoo u qoondaysay 113 bilyan oo dheeraad ah wasaaradaha sanadka dhamaanaya 30-ka June ee 2025 laakiin aan lagu darrin dadka waayeelka ah.
Xoghayaha ayaa sheegay in sababa la xiriira lacaga aan ku filneen oo waaxdiisa loo qoondeeyo dadka waayeelka qaar kooda ayan helin lacagahan tan iyo markii la diiwaan geliyay.
Guddiga Hirgellinta ee barlamaanka dalka ayaa la filayaa inay wadda tashi la yeeshaan wasaaradda maaliyadda si arrintan xal loogu raadiyo.