Antony Blinken oo wadahadal la yeelanaya qaar ka mid ah madaxda dalalka Carabta

0
535

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, Antony Blinken ayaa ku sugan magaalada London ee boqortooyada Ingiriiska.
Waxaa uu madaxda dalalka Carabta kala hadlaya sidii loo joojin lahaa faafitaanka colaadda Bariga Dhexe.
Waxaa uu la kulmayaa wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Jordan iyo Imaaraadka carabta, iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha waddanka Lubnaan.
Dhanka kale, maalinta Axadda ah, ayaa lagu wadaa in madaxda sirdoonka Israa’iil iyo Maraykanka ay ku kulmaan dalka Qatar si ay isugu dayaan in ay dib u billaabaan wadahadallada nabadda ee Qaza.
Ma cadda inay ururka Xamaas uu ka qayb geli doono wadahadalladaasi.