Barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa ku amaantay xildhibaanada baarlamaanka dalka ee sida aqlabiyadda ah u ansaxiyay hindise sharciyeedka BBI ee la doonayo in lagu beddelo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka dalka.
Guddoomiyaha ayaa sheegtay in geddisocodkan ay ka faa’iideysan doonaan shacabka gobolka bartamaha dalka islamarkaana la hubinayo in si siman loo wadaago kheyraadka dalka.
Waxaa ay sheegtay in ay si taxaddar leh u akhrisay dukumeentigan islamarkaana fahantay oo ay taageertay.
Ms Anne Waiguru ayaa xustay in ay dhiirigelin tahay in la arko qaar ka mid ah mudanayaashii sida weyn uga soo horjeeday hindisahan oo beddelay mowqifkoodi hore ka dib markii ay akhriyeen dukumeentiga ay taageereen.
Guddoomiyaha Kirinyaga ayaa sidoo kale ku boorrisay golaha guurtida ee aqalka inay si aqlabiyad ah u meel mariyaan geddisocodkan sida uu golaha shacbiga uu sameeyay toddobaadkii hore.